Immisa Kiis oo COVID-19 ah ee dalka laga helay 24kii saac ee la soo dhaafay?

Dowladda Somalia ay shaaca ka qaaday kiisas hor leh oo la diiwaan-geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay Kiisaska cudurka Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 24-kii saac ee tegay dalka laga diiwaan-geliyey 57 kiis oo cusub, taasoo tirada guud ka dhigtay 2,146 kiis.

Kiisaska cusub ayaa 18 ka mid ah laga xaqiijiyey Somaliland, halka gobolka Banaadir laga weriyey 34 kiis, iyadoo Maamul goboleedka Jubbaland laga helay 5 kiis.

Dowladda ma aysan werin wax dhimasho ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Tirada guud ee dhimashada ayaa weli taagan 79 qof, waxaana cudurka ka bogsoday 406 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -